Ciidamada dowladda oo qabtay Nin xirnaa dharka Dumarka
Isniin, Maarso, 11, 2019 (HOL) – Ciidamada dowladda
Soomaaliya ayaa habeennimadii xalay ku qabtay magaalada Muqdisho Nin xirnaa
dharka Dumarka, waxaana gaar ahaan Ninkan laga soo qabtay degmada Kaaraan.
Dadka degmada ayaa la sheegay in ay shakiyeen qofkan oo
xirnaa Xijaab iyo Indho –Shareer, iyaga oo shakiga kaddib arintan ku wargaliyay
ciidamada dowladda oo markii danbe ogaaday in uu yahay Nin soo xirtay dharka
Dumarka.
Inkastoo aan wax hub ah lagu qaban, haddana saraakiisha hay’addaha
danbi-baarista ayaa sheegay in ay uga shakisan yihiin in uu sirdoon u ahaa
Ururka Al-shabaab.
23-kii bishii hore ee sanadan 2019, kooxo
Bistoolado ku hubeysan, ayaa degmada Kaaraan ku dishay Xildhibaan Cismaan Cilmi
Boqore oo katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho kuma cusba in sidan oo kale
ciidamadu soo qabtaan rag ku soo labista dharka Dumarka, kuwaa oo baaritaan
kaddib la ogaado in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]