4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 31, 2019
Qabow ba'an oo ku jira gobolka Minnesota iyo Goobahii Waxbarashada oo afar casho xiran

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)- Minnesota iyo goboladaan ku dhow oo laysku yiraahdo Midwest galbeedka dhaxe ee Maraykanka ayaa afartii cisho ee u danabysay waxaa jiray qabow daran, haba ugu darnaatee shalay Arbacadii uu gaaray cabirka qabowga meelaha qaar ilaa iyo
-51 F   taas ah mid aad halis ah.

Wadooyinka waawayn ee Minneapolis ayaa sacodka baabuurta aad u yaraatay, dadna warkooda daa, codadkii matoorka  baabuurta  waxaa badalay dabaylo dhaxan halisa wata ,waxaa badi shalay xiranaa ganacsiyada magaaladda, in kastoo xili dambe la furay qaar ka mid goobaha ganacsiga ee magaalada.

Duulimaadyadii diyaaradaha waa meelaha sameeynta wayn ku yeelatay dabaylahaan waxaana Talaadadii kaliya la baajiyey 1000 dulimaad oo 450 ka mida hal garoon ka baxi lahaayeen waa magaaladda wayn ee caanka ee Chicago , MPLS garoonkeeda  naftigiisa waxaa jira in duulimaadyo badan la baajiyey oo gaaraya maanta oo shalay arbacadii 97 dulimaad, Iyo 56 dib u dhac ku yimi intaas waa shalay kaliya , waxaa kaloo jira in shalay  adeegii post uu san jirin taas ah mid dalkaan aad muhiim ugu ah xaga posta, waxaa iyaguna baaaqday gobolka fadhigii baarlamaanka.

Inkastoo qabowgu daran yahay, hadane waxaa jira dad aan shaqadooda laga maarmin sida shaqaalaha cisbitaalada ama gaadiidka deg-deg ah.  Hadii qofku gaarigiisu meel kulul oo dhul hoostiisa u yaal intuu kaxaysto waa iska shaqo tagi karay, Lakiin baabuurtii habeenimadii ku baryey banaanka inay shidmaan badi maalmahaan  waa ay adkeed oo qaboowgii baa ka xoog batay qaarkoodna albaabadii baa isku dhagan

 Waxaa baraha bulshada lagu arkaaye dad intay baaquli ama bakeeri biyo ku shubaan kor u daadinaaya oo biyahaas intay dhulka gaarin baraf isku badalayaan.

Goobaha waxbarashada aya xiran ilaa Isniintii , mudo afar cisho ah ayaa albaabada loo laabay iyadoo la ilaalinayo in ilmaha ay dhibaato ka soo gaarto qabowga daran ee jira maalmahaan.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,MN