4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Xaaf : Shirkii Garoowe mid kheyr qabo ayuu ahaa, xabad joojin ayaan qaadanay

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Galmudug,Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyay muddo shan maalin ah oo uu ku sugnaa Garoowe kulamadii uu ka qaybgalay.

Madaxweyne Xaaf, oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa ka mid ah hoggaamiyayaashii dowlad-gobolleedyada ee ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

" Anagu waxaan ka nimid shirkii Garoowe..shirkaas shir kheyr qabo ayuu ahaa, waxyaalo badan-ba lagu daaweeyay - Anaguna koley qol-yahayagii maamullada oo xooggaa dowladdu xurguftu ka dhaxeysana waxaan cilaaminay xabad joojin , xabada waa la joojiyay wixii dhimanna hoos ayaa looga hadli doona". ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aaddaya xilli bisha Maarso ee sannadkan 2019ka, lagu ballamay shir weyne u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, kulankaa oo ka dhici doona magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]