4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la qaatay safiirrada beesha caalamka ee ka qaybgalay xafladdii caleema-saarka

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Safiirada dalalka Imaaraadka, Sweden, UK, Germany, Qadar, Suudaan, Masar, iyo Midawga Yurub.

Kulamada uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Safiirrada dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa u jeedkiisu ahaa hambalyo iyo boggaadin ku aadan guushii doorashada Puntland  ka dhacday siddeedii bishan Jannaayo ee sannadka 2019-ka , isbarasho guud iyo dar-dargalinta wadashaqaynta Puntland iyo beesha caalamka.

"Madaxweynaha Puntland oo ka duulaya kalsoonida uu ka haysto bisaylka siyaasadeed ee Puntland ka jira ayaa safiirada Dowladdaha Caalamka u soo bandhigey qorshihiisa hoggaamineed ee beesha caalamka, isla’markaana waxa uu Madaxweynuhu dhan walba ka tusay Safiirada in Puntland ay u jiheysatey horumarinta kaabeyaasheeda dhaqaale, mid maalgashi iyo wanaajinta xidhiidhka beesha caalamka iyo Puntland." ayaa lagu yiri qoraal madaxtooyada Puntland ay uga hadashay kulamada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay Safiirrada iyo diblamaasiyiinta wehelinayseyba booqashada iyo hambalyada ay ugu yimaadeen, waxaana uu Madaxweynuhu xusey in uu kordhindoono wadashaqaynta Puntland iyo Beesha caalamka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]