4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Madaxweynaha Puntland oo madaxtooyada ku qaabilay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)-  Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kulankaa oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed looga hadlay kulanka oo uu baahiyay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka uu daaranaa salaan iyo is xog wareysi guud ee xaaladda dalka iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa hannaanka xisbiyada badan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa siyaasiyiintii lagu casuumay xafladdii caleema-saarka ayaa madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey guushii uu ka gaaray doorashadii madaxweynaha ee Puntland ka dhacday siddeedii bisha Jannaayo, waxaana uu boggaadiyey horumarka ballaaran ay Puntland gaartay.

"Madaxweynaha  Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka duulaya siyaasadda Puntland ee hannaanka xisbiyada badan iyo sidii Soomaaliya u gaari lahayd hal qof iyo hal cod ayaa soo dhoweeyey hirgelinta nidaamkaasi, waxaana uu bogaadiyey dedaalka lagu doonayo is bedelka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya ka socda gaar ahaan kan hoggaanka xisbiga Wadajir." ayaa lagu yiri qoraalka uu baahiyay xafiiska madaxweynaha Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]