4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo Qaramada Midoobey uga mahad celiyay taageeradeeda Soomaaliya

 

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo nabadeynta ee xafiiska xoghaya Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo.

Madaxweynaha  ayaa   uga mahadceliyey taageerada Qaramada Midoobay  ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda Qaramada midoobay  DiCarlo ayaa sheegatay in door hoggaamineed ay ka qaadanayaan  jaan goynta  qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay  ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu  dhaqan-geliyo.

Rosemary DiCarlo, ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda,  waxaa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku  bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay,  amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

 Dowladda Soomaaliya ayaa daka ka saartay Wakiilkii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom oo ay ku eedeysay in uu ku xadgudbay madax-bannaanida iyo Qarannimada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]