4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo Koonfur Africa lagu boobay

 

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika waxay sheegayaan in dukaamo ay soomaalida ku leeday dalkaasi la boobay.

Mid ka mid ah ganacsatada  Soomaaliyeed ee dukaamadooda la boobay  oo lagu magacaabo Cabdi Mahad Bilow Kunow ayaa sheegay in ilaa toddobo dukaan oo ay Soomaali leeyihiin la dhacay iyadoo ay baxsadeen kooxihii weerarka ku soo qaaday.

"Afar  qof ayaan ku joognay..markii aan aragnay in ay yihiin ilaa kontomeeyo oo  aan waxbo ka qaban karin,waan iskaaga cararnay. meel duur ayaan gaarnay  ilaa labo saacadood ayay dukaanka dhex cayeen" ayuu yiri Cabdi Mahad.

Goobaha ganacsiga la boobay waxay ku yaallern deegaan ka tirsan gobolka Limpopo Limpopo ee dalka Koonfur Afrika, waxaa uu intaasi ku daray in marki dambe ay booliska usoo gurmadeen si noloshooda loo badbaadiyo.

Dadka deegaanka  ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay biyo iyo koronto la'aan ka jirto deegaanka, Cabdi Mahad ayaa sidoo kale in weerarka lagu soo qaaday Soomaalida ay ku dhaawacmeen labo qof.

Koonfur Africa waxaa ka jirta dhibaato weyn oo ay la kulmaan inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, kuwaa oo inta la dilo waliba la qaato wixii hanti ah oo ay lahaayeen, ilaa iyo haddana ma muuqato tallaabo ay dowladda arintan ka qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]