4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Diyaarado xalay duqeyn ka geystay deegaan hoostaga degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

 

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)- Sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiiraan Online xalay duqeyn xoogan laga maqlay deegaanka Baacyar oo ka tirsan degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa dhowr gantaal oo lagu beegsaday fariisimo ay deegaanka ku lahaayeen Ururka Al-shabaab, waxaana ay wararku intaa ku darayaan in ka hor inta aan la maqlin jugta gantaallada deegaanka ay dulmareen diyaarado dagaal.

Lama oga wali khasaaraha ay geysteen duqeymahan mana jiro wax war ah oo wali ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira duqentan xalay lagu weeraray deegaanka Baacyar oo dulleedka ka xiga magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeytan iyo  haddii ay jiraan dad rayid ah oo wax ka noqday marka laga soo tago ururka Al-shabaab oo uu bartilmaameedku ahaa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]