4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Trump oo ugu baaqay madaxda sirddoonka inay 'wax soo bartaan'

 

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay laamaha sirddoonka dalkiisa in aysan waxbo kala socon marka ay timaado arrimaha dalka Iiraan isla markaasna iska foggeeyay khatarta la sheegay inay uga imaaneyso dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

"Waa in aad iska ilaalisaan Iiraan, sirddoonka waa inay dib ugu laabtaan waxbarashada ama dugsiyada si ay wax usoo bartaan" ayuu Trump ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Hadalka khalafsan ee kasoo baxay Donald Trump ayaa kusoo beegmaya xilli sirddoonka Mareykanka ay shaaciyeen warbixin sheegaysa in Iiraan aysan ku howlaneyn sameynta hubka Nukliyerka.

Waxay sidoo kale sheegeen inay u muuqato in Kuuriyada Waqooyi aysan weli ka harin howsheedii aheyd sameynta iyo keyddinta hubka Nukliyerka.

Agaasimaha qaran ee sirddoonka Mareykanka iyo saraakiil sar sare ayaa Talaadadii warbixinta u gudbiyay aqalka senetka ee dalkaasi.

Sannadkii lasoo dhaafay, Mareykanka wuxuu ka baxay heshiiskii barnaamijka Nukliyerka Iiraan ay quwadaha caalamka la galeen sannadkii 2015-kii, kaas oo ay dhaleeceen dalalka saaxibada la ah xukuumadda Washington.

Trump wuxuu bilaabay barnaamij diblumaasiyadeed oo ku hagaajinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyo Kuuriyada Waqooyi, waxaa uu bishii June ee sannadkii lasoo dhaafay dalka Singapore kulan kula yeeshay hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un.

Warbixinta kasoo baxday sirddoonka ayaa sidoo kale ka digtay walaaca sii kordhaya ee halista weerarada Internetka ee uga imaaneyso Mareykanka dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Trump muxuu ka yiri arrinta Iiraan?

Qoraallo uu kusoo bandhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in saraakiisha sirddoonka Mareykanka 'aysan ogeyn khatarta uga imaaneyso dhinaca Iiraan ayna u muuqato kuwo aanan heyn wax jawaab ah oo ay uga falcelinayaan halistaas'.

Trump waxaa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay khas iyo jahwareer ka abuurtay gobolka Bariga Dhexe iyo meel kale tan iyo sannadkii 2016-kii balse ay isbadashay markii Mareykanka uu ka baxay barnaamijka Iiraan.

Si kastaba ha ahaate, Trump wuxuu ka digay halista iyo daandaansiga joogta ah ay waddo Iiraan iyo gaantaallada dhawaan ay tijaabisay.

Agaasimaha laanta sirddoonka Gina Haspel ayaa aqalka sare u sheegay in Iiraan ay farsamo ahaan u hoggaansantay heshiiska Nukliyerka inkasta oo uu Mareykanka kusoo roggay cunaqabatayn.

Warbixinta sirddoonka ayaa sidoo kale ka digtay 'damaca dalalka gobolka ee sare u qaadidda awoodda militari' taasina ay caqabad ku noqon karta danaha mustaqbalka ee Mareykanka.

BBCSomalia