4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay Afgooye iyo howlgal ciidamadu ka wadaan degmada

 

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ku raadjoogaan koox loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab oo xalay degmada ku dilay nabadoon lagu magacaabi jiray Xayeesi Mursal.

Ciidamada ayaa saakay howlgal ka wada xaafaddaha degmada iyaga oo raad jooga sida ay hadalka u dhigeen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo la tuhusan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan xaafaddaha degmada.

Saraakiil ka tirsan maaamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaama Al-shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.

Degmada Afgooye waxey ka mid tahay degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose oo inta badan weerarrada iyo dilalka qorsheysan ka geystaan xoogagga Al-shabaab oo mararka qaar la wareega gacan ku heynta degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]