4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2019
Itoobiya oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay 35 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab

 

Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ilaa 35 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen duqeyn ay ka fuliyeen deegaan 75 km u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Warbaahinta dowladda Itoobiya oo soo xiganeysa Wasaarradda Difaaca Itoobiya ayaa sheegay in deegaan lagu magacaabo Buur Heybe oo ka tirsan gobolka Baay ay howlgal ay ka sameeyeen ciidamadooda cirka ku dileen 35 dagaal yahan.

Weerarkan ayeey dowladda Itoobiya sheegtay in lagu dilay madaxii howlgalka Al-shabaab ee gobolka Baay oo magaciisa ay ku sheegeen Abdu Osman iyaga oo intaa ku daray in ay bur buriyeen ilaa Afar gaadiidka dagaalka ah.

Duqeyntan ayaa wararku sheegayaan in ay jawaab u aheyd weerarkii 18-kii bishan lagu qaaday Kolonyo ciidamo Itoobiyaan la socdeen duleedka magaalada Buur-Hakaba.

Laakiin dhinaca kale mar kala eego sheegashada ciidamada Itoobiya waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Ururka Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]