Wasaaradda hawlaha guud oo ku eedeeysay xisbiga WADDANI inuu wasiirkoodda ku sheegay xanuun aan jirin
Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)- Wasiiradda
hawlaha guud iyo Dhulka ayaa warar been ah ku tilmaamtay inuu wasiirkoodii
xanuun u jiifo cisbitaaladda gaarka loo leeyahay.
Arrintan ayaa ka dambeeyey ka dib markii masuul
ka tirsan xisbiga WADDANI sheegay inuu wasiirka hawlaha guud xanuun aanu
magaciisa sheegin u jiifo cisbitaalada gaarka loo leeyahay, waxaanu xukuumadda
ku eedeeyey in aanay wasiirkooda xanuunsanaysa ka war hayn.
“Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta
Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu Ku Suganyahay Xaalad Caafimaad Midii
Ugu Wanaagsanayd, Dhib Iyo Xanuun Laga Dayriyo Midna Mahayo, Mana Yaalo Lamana
Dhigin Cisbitaaladda Hargeysa Ku Yaal, Wax Dhakhtar Loo Dhigaana Mahayaan,
Kaliyaata Hargab Fudud Ayaa Haleelay, Hoygiisa Magaaladda Hargeysa Ka Degn
yahay ayuu Jooga, Nasasho Iyo Fasax Ayuu Ku Jiraa.”ayaa lagu yidhi
war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada hawlaha guud.
Waxaana intaas lagu daray “Maaha In La Is
Barbardhigo Labadda Wasiir Ee Caafimaadka Iyo Hawlaha Guud, Wasiirka Caafimaad
Isaga Xanuun Adag Oo Culus ayaa Ku Dhuftay, Wasiirka Hawlaha Guud Isaga Hargab
yar ayaa Haleelay Imikana Wuu Badqabaa, Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Golaha
Wasiiradda, Golaha Wakiiladda, Guurtida Cid Aan Soo Booqan Majirto, Mana hayo
Xanuun Weyn Oo Madaxweyne usoo Booqdaa, Wuu Caafimaad Qabaa Wasiirku.Waxaanu Ka
Xunahay Ereyadda Deelqaafka Leh Ee Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Hawadda Soo
Mariyeen, ayaan Daro Iyo Anshax Xumo Weeyi In Wax Laga Dayo Oo Xanuuna Lagu
Sheego Masuuliyiinta Xukuumadda, Isla Markaan Loo Sahadiyo Xanuun Aan Hayn,
Cidii Tiri Warkaas Iyadda ayey Ku Maqantahay.”
Sidoo kale, waxay wasaaraddu eeddo usoo jeedisay
xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen inuu habaar ku hayo wasiirada xukuumadda,
waxaana lagu yidhi “Xisbiga Waddani Waxa u yaala Inay Buuxiyaan Kaalinta Mucaaradnimo
Ee Ay Baneeyaan, Waxaana Uguba In Ay Habaaraan Isla Markaan Xanuun Iyo Dhibaato
Usahadiyaan Masuuliyiinta Xukuumadda, Gudoomiyaha Anshaxa Xisbaga Waddani Ee
Maanta Ereyadaasi Kasoo Yeedhaan Waa Abaal-laawe Ayaan Daran, Waanu Ka Xunahay
Inuu Noqdo Dhallankii Hoyadii Ilamaha Baray.”
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.