4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2019
Ra'iisal wasaare Ku-xigeenka " Siyaasiyiinta hanaaqsan mar walba waxey leeyihiin waxba lama qaban

 

Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Mucaaradka, isagoo u adeegsaday halheyskii madaxweyne Farmaajo ee ahaa Siyaasiyiinta xanaaqsan.

Isaga oo ka qeybgalayay  xalay munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka Gobolka  Banaadir ayuu sheegay in siyaasiyiinta aanay arkeyn wax badan oo la  qabtay, kana war heyn horumarada dalka laga gaaray''  

“Wax-qabadkii Gobolka Banaadir anaga waa aragnay, Culimadii waa arkeen, iyo dhamaan bulshada inteeda kale, mudane Guddoome waxaa soo jeedin lahaa inaa u soo bandhigtid niman saaxibadeen ah ayagana arkaan oo aan wax badan ka war heyn, mar walba la soo taagan waxba lama qaban, lama dhaqaaqin, qabyo waa halkeedii” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Hadalka ra'iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa imanaya xili madaxweyne Farmaajo ka sheegay calleemo saarkii Garoowe in uu cafis ka dalbanayo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda uu madaxweynaha ka yahay, waxaana waayadii ugu danbeeyayba jirtay in mas'uuliyiinta dowladda u adeegsanayeen siyaasiyiinta ka soo horjeeda hal ku dhagyo iyo halheysyo adag iyaga oo u bixinaya magacyo kala duwan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]