Hay’adda dhawrista tayadda Somaliland oo xidhay xarunta caafimaad ee Al-Hudda Herbel Medicine
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Hay’adda
dhawrista tayadda Somaliland ayaa xidhay cijaalka ku yaalla Hargeysa oo dadka
ku dabiibay dawooyin uu sameeyey oo dabiici ah.
Hay’adda dhawrista tayada ayaa sheegtay in ay
xidhay guud ahaan ganacsiga cilaajka Al-Huda Herbel Medicine oo ku yaalla
magaalada Hargeysa.
Xadhiga xaruntan caafimaaad ayaa lala
xidhiidhiyey ka dib markii ay dalka soo galisay Capsul madhan, oo khatar
caafimaad ku keeni karta bulshada qaybaheeda kala duwan,isla markaana ay soo
gudbin kari waayeen waraaqo sax ah oo caddaynaya dawooyin hore hay’adda
dhawrista tayadu caddayntooda soo waydiisay.
Warqadda xarunta Al-Huda Herbel Medicine lagu
xidhay oo ka soo baxday hay’adda dhawrista tayada oo uu ku saxeexan yahay
guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf,ayaa u dhignayd
sidan.”Anigo tixraacaya xeerka hay’adda dhawrista tayadda qododbkiisa sagaal
iyo sodonaad (39-naad) ee dambiyadda ciqaabaha sheegaya qofka lagu helo inuu
soo saaray si warshadaysan, soo dajiyay, qaybiyay, iibiyay, ama si uun uga ganacsaday
dalka Jamhuuriyadda Somaliland gudihiisa badeecad aan waafaqsanayn
Heer-tayeedka la waajibiyay ee xeerkani jidaynayo oo lagu ilaalinayo wax kasta
oo bulshada u keeni kara caafimaad darro.”
Waxa intaas lagu daray “Waxaa jirtay inaad
wadanka soo geliseen oo waliba qariseen Capsul madhan oo aan wax daawo ahi ku
jirin, kaas oo khatar ku keeni kara bulshada reer Somaliland.
Capsulka madhan waxaanu ogsoonnahay in lagu
gurayo daawo aan la garaneyn waxay tahay, taasi oo khatar kale ku noqoneysa
caafimaadkii bulshadda.
Waxaa jirtay in dawooyin kale oo aanu idinku
xidhney inaad keentaan waraaqihii cadaynayay dawoodooda iyo halka lagu sameeyay
iyo tayadoodab markii aan arkay waraaqihii oo aan waafaqsaneyn shuruuddihii la
idiin sheegay, markii aan arkay khatarta ay keeni karto dawooyinka aan la hubin
iyo capsulka madhan oo lagu talagalay in lagu shubo daawo aan la ogayn waxaa ay
tahay.
Kadib markii hay’adda dhawrista tayadu samaysay
baadhitaan qoto dheer iyo xog urrurin baaxad dheer, waxay hay’addu go’aan ku
gaadhay in laga bilaabo maanta(shalay) in la xidho dhammaan ganacsiga Al-Huda
Medicine, waxaan faraya hay’addaha dawladda ee ku shaqada leh inay ka gutaan
waajibaadkooda ku aadan fulinta go’aankan lagu xidhayo ganacsiga Al-Huda Herbel
Medicine..”
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.