4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2019
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare oo gaaray magaalada Garoowe

Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wafdiga, guddoomiyaha Baaralamaanka Puntland iyo mas'uuliyiin kale.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed oo hal mid ah ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka.

Wafdiga ayaa u tagay Garoowe ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, oo la filayo in la qabto dabayaaqadda bishan Jannaayo.

Wafuud kala duwan oo ka socda dowladda federaalka iyo siyaasiyiin kale ayaa maalmaha soo socda la filayaa inay gaaran Garoowe, waxaana hadda ku sugan wafdi wasiirro ah oo ka socda dowladda federaalka.

Xafladda caleemasaarka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaa la sheegay in la qaban doono 26 bishan Jannaayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]