Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo lix qodob usoo jeediyey xukuumadda Somaliland
Arbaco, Janaayo 23, 2019 (HOL)- Xisbiga WADANI ayaa xukuumada
usoo jeediyey lix qodob oo ay suurogal ku tahay inay doorasho ku dhacdo,
waxaanay madaxweynaha ugu baaqay inuu la yimaado tanaasul iyo tudhaale
bulshadeed.
Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi
Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in caqabadaha ka horeeya doorashadda la
dhamaystiro si doorasho wanaagsani u dhacdo.
Lixdaasi qodob ee uu soo jeediyey
waxa ka mid ah:
“Si ay doorashooyinku inoogu
qabsoomaan WADANIwaxa uu soo jeedinayaa in talaabooyinkan soo socda si degeg ah
loo qaado.
1. In la soo dhiso komishanka cusub oo lagu wada kalsoon
yahay, loona siman yahay.
2. In xal laga gaadho saami qaybsiga kuraasta golaha
wakiilada ee gobolada.
3. In la diyaariyo miisaaniyada qabsoomida doorashooyinka.
4. In la dhamaystiro
xeerarka doorashooyinka lagu gali lahaa.
5. Inta aan la dhamaystirin shuruucda doorashooyinka waa in
la tixgaliyo dadka laga tiradda badan yahay,isla markaana lagu daro kootadda
haweenka.
6. In la hor geeyo golaha deegaanka ee wakhtigoodu ka
dhamaanayo golaha guurtidda si ay uga gutaan waajibaadkoodii dastuuriga
ahaa,isla markaana lala qabto doorashada golaha wakiilada ee sanadkan dhacaysa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.