Maxaa ka jira in hubkii lagu weeraray hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi uu ahaa kan ay isticmaasho dowladda Soomaaliya
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Kenya oo sheegtay in hubkii dhawaan lagu weeraray DusitD2 Hotel magaalada Nairobi uu ahaa hubka ay isticmaasho dowladda Soomaaliya oo laga helay sumadda hubka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya
Cabdisaciid Muuse Cali oo ah lataliyaha dhinaca Amniga madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in warkaasi yahay mid aan waxba ka jirin, madaama sida uu hadalka u dhigay aysan jirin wax cadeymo ah oo la soo bandhigay.
“Anaga iyo dowladda Kenya xiriir ayaa naga dhaxeeyaa waxay noo caddeeyeen hey’adahooda amniga in war sax ah aysan aheyn, marka waxay ila tahay qofka wareysiga bixiyay, wuxuu yiri waxay u muuqataa ama u egtahay, wararka noocaas ahna waa mala awaal iyo qiyaas, waxaa cad dadka
meesha weeraray in ay u dhasheen Kenya, hubka qof walba waa heli karaa Al-Shabaabna meel kasta ayay joogaan qeyb ka mid ahna waa Kenyan”ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.
Wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya saraakiil Booliis ah ayaa sheegay in Kooxdii gudaha u
gashay hotelka DusitD2, ay wateen 5 qori, qaarkood waa laga tirtiray Lambarada lagu aqoonsado hubka dalka laga leeyahay , laakiin labo ka mid
ah ayaa laga helay Caalamad lagu yaqaano hubka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda
qoryihii laga helay 14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda ‘SO’
oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu
daabacay wargeyska DailyNation.
Laakiin La taliyaha madaxweynaha ee dhinaca Amniga ayaa sheegay in qoryaha ay leedahay dowladda ama kuwa ay soo degsatay ay leeyihiin
Nambaro, isla markaana la ogaan karo askariga ku qoran iyo meesha uu ka
baxay.
Cabdisaciid ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka codsadeen inay u soo
gudbiyaan xogta qoryahaas, balse aanay weli si rasmi ah ugu soo gudbin,
maadaama ay jiraan meelo ay dowladaha ku wada hadlaan, welina aanay
jirin caddeyn cad oo ku saabsan in qorayahaas ka yimaadeen Soomaaliya.
Weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa mas'uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-shabaab oo siweyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo quwadaha shisheeye ee taageerada Militari siiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]