Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomey Danjireyaasha Masar iyo Indonesia
Talaado,
Janaayo, 22, 2019 (HOL) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee ay dalalka Masar iyo
Indonesia usoo magacaabeen Soomaaliya.
Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Ibrahim oo
Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas
Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka
Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo adkeeyay inuu ka
shaqayn doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada shacab ee
walaalaha ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee
dalka Masar sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta
xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ah ee ay la
leedahay dalalka kale ee caalamka.
Madaxweynaha ayaa Danjire Maxamed Ibraahim u rajeeyey
inuu ku guulaysto gudashada xilka loo igmaday ee ku aaddan xoojinta iyo
joogteynta xiriirka walaaltinnimo ee labada waddan.
Dhanka kale, Danjiraha dalka Indonesia ee Soomaaliya
Mudane Seohardjon Aastromihardo oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa
aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday
Madaxweynihiisa Mudane Joko Widodo.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in
ay soo dhaweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed,
Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka
diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]