Wasaarradda Boostada oo ka hadashay bur burinta ciidamada Kenya ee xarumaha Isgaarsiinta
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda nagala dhexeysa dalka Kenya.
Ciidamadan oo la tuhunsan yahay in ay ka soo gudbeen xadka aan la wadaagno dalka Kenya ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu
jira naf iyo maal, iyagoo isla markaasi saameyn ku yeesheen nolosha
tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.
Wasaaradda
Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa bishii Agoosto ee
sanadkii hore u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya fayl
dhammeystiran oo loo sii gudbiyay dowladda Kenya, waxaana faylkaasi ku
xusnaa khasaaraha ka dhashay iyo tallaabada loo baahan yahay in laga
qaado arrintan soo noqnoqotay oo ay ka mid tahay in baaritaan lagu
sameeyo cidda ka dambeysa weerarradaas.
Wasaaradda
Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay mar kale ku celineysa
in aan loo dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah oo iska horkeenaya
bulshooyinka labada dal, isla markaana dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha
dadka ku nool xuduudda oo awalba la tacaalayay dhibaatooyinka ka soo
wajahaya falalka argagixisada.
“Looma
dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku
maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in
arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo
marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi
Cashuur Xasan.
Abdisalan Nor Dirie Hiiraan Online
[email protected]