4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2019
Guddoomiye Mursal oo ballanqaaday in la sii deynayo Mukhtaar Rooboow

 

Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) – Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wali si is daba joog u dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur oo ku jira gacanta dowladda.

Kulamo magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ay kula yeesheen madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, ayeey ku dalbadeen odayaashu in dib xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Rooboow oo la xiray horaantii bishii December, ee sanadkii tagay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo magaalada Baydhabo kula hadlayay Odayaasha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uu balanqaadayo sii deynta Mukhtaar Rooboow sida ugu dhaqsiyaha badan.

‘’Anniga iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo iskaashaneyna waxaan balanqaadayaa in aan sida ugu dhaqsiyaha badan uga sii deyn doono gacanta dowladda Mukhtaar Rooboow, haddii ay taa dhici weydo ma jirto sabab aan xilka ama kuraasta ugu sii fadhinno ayuu yiri;’’ guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Mursal ayaa intaa ku daray in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha intaba ka wada hadlleen arintan, islamarkaana uu rajo wanaagsan ka qabo sii deynta Mukhtaar Rooboow.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay ku dadaaleyso sidii loo afjari lahaa khilaafkii ka dhashay qabashadii Mukhtaar Rooboow xiliggii olalaha doorashada iyo waliba khasaarihii ka dhashay dibadbaxyadii ka dhacay magaalada oo ay dad ku dhinteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]