Dowladda Soomaaliya iyo hay'addaha Gaargaarka oo codsaday $ 1.08 bilyan oo dollar
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019, dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado.
Dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo
deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado. Qorshaha maanta la
shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad
naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4
milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah
iyo barakac.
Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii
Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay iyo gargaarka bini’aadamnimada ee
2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo
bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2
milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba
ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo
deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku
yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini’aadamnimadu waxay weli ka
sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban
mashaqooyinka bini’aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof
oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari
oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si
naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan
waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan
oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u
baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel.
“Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan
sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis
loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay
tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer.
Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilli-roobaadka deyrtii
dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu
soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara
hab nololeedka dadka” ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha
bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “waxaan ugu yeerayaa beesha caalamka
iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira.
Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka
ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro
baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf leh”
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada
hay’adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed,
baahiyahana lugu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga
dadka. “Qorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha
bini’aadamnimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin
mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa
hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka
qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda
Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. “Waxaan
ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lugula
tacaalayo caqabadaha ku gudban hormarinta. Waxaan diyaar u nahay ina
aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara
ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery
and Resilience Framework)
Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay’adaha gargaarku waxa ay kaalmo
gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii
2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4
milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u
baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo
doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha
gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta,
daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul. Si aad u dejisid HRP 2019.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]