Wasiir hore oo sheegay in uu cunay lacago ka badan mishaarkii uu xaqa u lahaa
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)–Wasiirkii hore ee Boosatada iyo Isgaarsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in cudurro kala duwan uu ka qaaday lacago ka badan mishaarkiisa oo uu cunay muddadii uu xilka hayay.
Mar uu ka hadlay sababta
uusan u dooneynin in uu xil danbe ka qabto Somaliland ayuu yiri’’ Annigu wax la qariyo ma’aqaan,
xanuunno aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, maxaa yeelay
waxaa lagu leeyahay xil wasiir ayaa heysaa, mishaarkaagu marka leysku dardaro
waa wax la eg $ 1500 oo dollar, kaddibna
waxaa lagu dhiibiyaa miisaaniyada ay ku qoran yihiin lacago la doonayo in howlo
gaar ah lagu qabto, lacagta intaa la
egna marka aad eegto xaalada wadanka iyo baahida jirta dee’ kuma kaafiyeeyso’’
ayuu yiri Wasiirkii hore ee Boostada.
Wuxuu intaa ku darray in markii uu iska shakiyay caafimaad
ahaa u tagay dhakhtar ‘’ Markaan sannad
shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri
kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan
xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii
saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna
wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn, macnuhu waxaa weeye wax ka badan
mushaharkii laguu qorey ayaa ku soo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore
illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul
ku ahay”
Wuxuu Alle weydiistay in uu ka cafiyo sida uu hadalka u
dhigay lacagihii hore ee xaaraanta ahaa ee soo gallay ama uu cunay’’ Xil danbe
oo aan loo heyn dhaqaale kugu filan oo aad ku shaqeyso annigu diyaar uma ihii
ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waa siyaasigii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo sheega in muddadii uu xilka hayay uu qaatay ama
cunay lacago ka badan sida uu hadalka u dhigay mishaarkiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]