4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2019
Nin Falastiini ah oo 100 milyan uga diidday Israa'il inuu uga iibsado dhisme ku yaalla dhulka la heysto

Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Cabdul Ra’uuf Al-muztasib , oo ah Falastiini  deggan magaalada Hebron ee galbeedka daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin ayaa ka diidday Israa’iili doonayay inuu gurigiisa uu uga iibiyo boqol milyan oo doollarka Mareykanka.

Dhismaha lacagta aadka u baddan lagu doonnayo ayaa ku yaalla meel aan sida uga fogeyn masaajidka Ibraahimi ee magaalada Hebron,wuxuuna iska diidday mulkiilaha dhismaha lacag walba oo loo soo bandhigay.

"Waxaan diidday boqol milyan oo doollar" ayuu yiri Muxtasib oo intaasi ku daray " Waxaan ku diiddi doonaa dhammaan lacagta dunidda taalla oo dhan, mana ku wareejinayo qiimahaasi iyo adduunka oo dhan dhulkayga iyo dadkayga, laakiin lacagtu waa wax aad u wanaagsan balse waa marka ay nadiif tahay".

Al-muztasib , oo la hadlay telfishinka Al-maydeen ayaa waxaa uu sheegay in qiimaha hore uu ku billowday 6 milyan oo doollar, kahor inta aanu qiimaha sare ugu kicin 40 milyan oo doollar, balse markii ugu dambaysay loo gaaray qiimo dhan boqol milyan oo doollar, isagoona ugu dambayn sheegay in qiimahaasi iyo ka badan uu ku iibsan doonin dhulkaasi , taasi badalkeeda uu sii ahaanayo waardiyaha masaajidka khadiimka ee Ibaarhiimi.

Dadka Israa’iiliyiinta ee ku sugan magaalada ayaa sidoo kalle u sheegay muwaadinkan Falastiiniga ah inay u fududayn doonaan safar uu ku tago dalalka Australia, Canada oo kaddibna ka billaabo ganacsi iyo nolol cusub, balse dalabkaasi ayuu diidday.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]