4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2019
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi ka tirsan Odayaasha maamulka Koonfur Galbeed

 

Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey guddi ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa howlaha dib u heshiisiinta ee Maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka bilaabay  deegaanada maamulkan.

Odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulkan ka hirgasho.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanadan iyo la shaqeynta madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa odayaasha dhaqanka uga mahad celiyay Sida ay uga go’antahay horumarka iyo maamul wanaaga deegaanadan, isagoo balan qaaaday in mamulkiisa uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa u mahad celiyay  odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada deegaanadan, wuxuuna kula  dar-daarmay in wax walba laga horumariyo danta dadka deegaanka ayna la  shaqeeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed, si dadka  dowlad  Goboleedkan ay u helaan nabad gelyo waarta iyo maamul  wanaagsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]