Wasiir Beyle oo Dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya uga mahadceliyay deymihii ay ka cafiyeen Soomaaliya
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka
Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay
in dalalka Carabta ka cafiyaan deymaha,si ay taasi Gogal-xaar ugu noqoto
saamaxaadda deymaha ee caalamka intiisa kale.
Wasiir Beyle oo hadal ka jeediyay Shirka
Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee ka furmay maagalada Bayruut ee dalka Lubnaan ,
ayaa uga mahad celiyay Dowladaha Carabta taageerada joogtada ah iyo meelmarinta
qaraarrada la horkeeno Golaha, si loo taageero dedaallada socda ee fulinta
qorshayaasha horumarinta Qaranka iyo cafinta Deymaha Soomaaliya.
“Taageerada Caalamiga ah iyo tan Jaamacadda
Carabta ee dalka waa lagama maarmaan waana xaq walaalnimo, si loo xaqiijiyo
qorshayaasha leh mudnaanta islamarkaana loo daboolo caqabadaha caqabadaha
dhinaca ammniga, dhaqaalaha iyo Bulshada” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.
Waxa uu mahad celin u jeediyay, Wasiirka
Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya oo ka
cafiyay deynta Soomaaliya, taasi oo ka dhigan deynta haatan lagu leeyahay dalka
in ay tahay 4.6 Bilyan oo dollar oo ay ku jirto 1.1 Bilyan oo ay leeyihiin dowladaha
Carbeed.
Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dhowaan ku
ammaantay Dowladda Soomaaliya sida ay uga gudubtay wajiga koowaad ee sharuudaha
deyn cafinta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]