Sarkaal dilay Haweenay ay kala tageen oo dil toogasho ah lagu xakumay
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay.
Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif
Faarax ayaa horey u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen,
wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo ay
deganaayeen eheladeeda.
Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxaa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay.
Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo
kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa
uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi).
Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd
habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda
baarista dambiyada ee CID.
Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska
Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo
xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo
eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali.
Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku
jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda.
Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka
eedeysanaha, marqaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada,
Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada.
Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer
Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad
Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor
sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda.
Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa weydiistay Garsoor in loo
naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii
hore.
Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo
Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta
Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada
dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda
Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka
sida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]