4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2019
Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarka Nairobi

 

Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag loogu cambaareeyay weerarka lala beegsaday DusitD2 Hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu yiri ‘’ Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa in ay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Weerarka shalay lagu beegsaday magaalada Nairobi ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-shabaab oo sidoo kale dagaal ba’an kula jira dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]