4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Askar dad shacab ah ku dilay Muqdisho oo la soo qabqabtay

 

Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay askar ka tirsan ciidanka Booliiska oo la soo xir xiray kaddib markii ay dilal dad shacab ah ugu geysteen magaalada Muqdisho.

Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo ah ku hadlayay afka taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id ka sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen askar uu sheegay in siyaabo kala duwan ay dilal ugu geysteen dad shacab ah dhawaanahaan.

Jen Bariise ayaa intaa ku darray in askarta ay soo qabteyn ay u gudbiyeen maxkadamada lana marsiin doono cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Aniga oo ku hadlaya Magaca Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo kan Booliska waxaan idiin sheegayaa in aan gacanta kusoo dhignay askar dilal kala duwan geystay, waxaana u gudbinay maxkamada si cadaaladda loo marsiiyo” ayuu sheegay Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise.

Waxaa kale ee uu Ciidamada Booliska ugu digay in ay geystaan dil, waxaa uuuna ku nuux nuuxsaday in ugu dambeyn cadaalada lasoo taagi doono oo aanan loo asxaan fali doonin askarigii geystaa dil.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay shacabka u geystaan dilal bareer ah, waxaana maalmihii ugu danbeeyay tiro dhowr jeer ah la sheegay in askar ka tirsan gaar ahaan ciidamada booliiska si bareer ah u toogteen dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]