4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2019
Kenya oo xabsiga ka sii deysay shaqsiyaad loo heystay weerarkii Dusit

Jimco, Feberaayo, 08, 2019 (HOL)- Sagaal ruux oo lagu tuhmayay inay ku lug lahaayeen weerarkii 15 bishii Jannaayo ee sannadkan ka dhacay dhismaha Dusit ee magaalada Nairobi ayaa maanta dib xorriyadooda u helay, sida laga soo xigtay ciidanka la-dagaallanka argagixisada Kenya.

Dacwad oogaha Kenya,Duncan Ondimu  ayaa sheegay in dadkaan lagu waayay wax caddeymo ah oo ku saabsan in xiriir ay la leeyihiin weerarkii ay ku dhinteen 21 ruux ee Dusit. Ondimo ayaa u sheegay garsooraha maxkamada Nairobi ,Caroline Nzimbe in booliska aysan daneyneyn in xabsiga ay ku sii hayaan dadkan.

Dadka dambiga lagu waayay waxaa ka mid ah shan ruux oo ka tirsanaa waaxda waddooyinka Kenya ee loo yaqaan NTSA.

Dhinaca kale, Maxkamada Kenya ayaa xabsiga ka sii deysay Sulub Warfaa oo 36 sanno jir ah kadib markii looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay ururka al-Shabaab.

Sulub oo ah Soomaali heysta jinsiyada dalka New Zealand oo la hadlayay saxaafadda markii ay sii daysay maxkamada Gaarisa ee gobolka waqooyi  Bari Kenya ayaa yiri: "Inaan ku dhashay Muqdisho macnaheedu ma ahan inaan ahay argagaxiso."

Sulub Warfaa  oo ka hadlayay sidii loola dhaqmay dhowrkii maalmood ee uu xirnaa ayaa sheegay inaysan wax jirdil ah oo lagula kacay ayna Boolisku si wanaagsan ula dhaqmeen.Warfaa ayaa laga qabtay horraantii toddobaadkan meel ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya isagoo lagu eedeeyay inuu sitey labo Baasaboor oo magacyo kala duwan ay ku qoran yihiin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]