4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2019
Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Soomaaliya

Jimco, Feberaayo, 08, 2019 (HOL)- 15 ka tirsan al-Shabaab ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka ee Marekanka ka fuliyeen  deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose , sida laga soo xigtay taliska ciidanka Marekanka ee Afrika.

War-saxaafadeed uu baahiyay taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta hore oo 6-dii bishan February ka dhacday meel ku dhow deegaanka Bariire ay ku dileen 11 ka mid ah al-Shabaab,halka duqeyn kale oo 7-dii bishan iyana ka dhacday meel ku dhow deegaanka Gendershe ay ku dileen afar ka mid ah dagaalyahannada  al-Shabaab.

Taliska Mareykanka waxa uu intaasi ku daray in qiimeyntooda aysan illaa iyo hadda muujineyn in cid shacab ah ay duqeymahaasi wax ku noqdeen,iyadoo Jeneraal lagu magacaabo Gregg Olson oo madax ka ah howlgallada   AFRICOM uu sheegay in duqeymaha Marekanka uu ka fuliyo Soomaaliya lagu taageerrayo ciidammada Soomaaliya ee dagaalka kula jira al-Shabaab.

"Duqeymahan ma aha kuwa marka ugu dambeysa ka adkaan kara al-Shabaab. Halka ugu dambeysa ee ay howsha u taalo waa ciidanka qaran ee Soomaaliya oo looga baahan yahay inuu xoogeysto uu kordhiyo dadaalladiisa oo uu qaato masuuliyadda ka saaran amaanka dalkooda." sida waxaa u sheegay khamiistii shalay guddiga aqalka Senat-ka Mareykanka ee arimaha gaashaandhigga ,madaxda taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika Jen. Thomas Waldhauser.

Marekanka ayaa sannadkii 2017kii Soomaaliya ka fuliyay 35 duqeyn, sannadkii 2018ka 47 duqeyn, ilaa hadda sannadka 2019ka ee billowga ah 12 duqeyn ayuu Marekanka ka fuliyay Soomaaliya,sida ay baahisay VOA-da.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]