4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2019
300 askari oo tabbabar loogu soo xiray Garbahaarey

Jimco, Feberaayo, 08, 2019 (HOL)- Taliyaha booliska Soomaaliya, Jen Bashiir Maxamed Cabdi (Ameerika) ayaa tabbabar usoo xiray 300 oo askari ,kuwaas oo ka howlgalli doona magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Ciidammada ayaa muddo lix bilood ah waxaa u socday tabbabar,waxaana lagu wadaa dhawaan inay kala wareegaan amniga gudaha ee magaalada Garbahaarey ciidanka milatartiga ah ee ku sugan.

Taliyaha booliska Jen Ameerika, wuxuu sheegay ciidanka in loo dhammeystiray qalabkii ay ku howlgalli lahaayeen, isagoo inta ku daray in ay heli doonaan xaquuqda ay helaan ciidanka Booliska ee Soomaaliya.

Saraakiisha booliska ee ku sugan Garbahaarey, ayaa soo dhaweeyay in ciidan ku filan amniga loo tabbabaray kuwaas oo milatariga kala wareegaya amniga degmada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]