4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2019
Shirkadda Facebook oo qaadan doonta shaqaale Soomaali ah

Jimco, Feberaayo, 08, 2019 (HOL)- Shirkadda Facebook ayaa xaruntii u horreeysay oo qaban doonta howlo dib u eegis ah ka furanaysa dabayaaqada sannadkan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya .

Maamulka shirkadda ayaa sheegay inay xaruntaasi u xil saarnaan doonto badbaadada iyo ammaanka siyaasadda arrimaha farriimaha bulshadda iyo in laga hortago in Facebook-ga la soo dhigo hadalladda la dhibsado ,wadaagista sawirrada anshax-xumidda iyo in la soo dejiyo muuqaallo lagu dhibaateynayo qof kale.

Shirkadda ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay howlgalin doonto 100 shaqaale oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, kuwaasi oo taageerro ka geysan doona luuqadaha shabakadda ku jira oo afka Soomaaliga uu ka mid yahay, waxaa kalo ka mid ah afafka Oromada, Sawaaxiliga iyo Hawsaha ee looga hadlo qeybo ka mid ah qaaradda Afrika.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]