Labo sano kaddib maxaa u qabsoomay ama ka qaldamay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo
Jimco, Feberaayo, 08, 2019 (HOL)- Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 08
Feberaayo waxaa u dhamaatay Labo sano dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo dad badani rajo ka qabeen marka loo eeg dowladdihii ka
horeeyay.
Dowladda guud ahaa marka dusha
sare laga eego howsheedu ma yara,
laakiin haddana dhinaca kale dadka sida weyn u dhaliila waxaa ay leeyihiin waxaa
jira gaabis badan iyadoo la taxi-raacayo balanqaadyadii uu madaxweyuhu sameeyay
habeenkii la doortay.
Arrimaha Amaanka ayaa ugu badan
meelaha sida weyn farta loogu go’dayo oo la leeyahay dowladda siweyn ayeey ugu
guuldareysatay in wax laga qabto, sidoo kale dagaalka Al-shabaab oo ay dowladdu
sheegtay in muddo Labo sano ah dalka looga saarayo waxba kama hergalin oo taa
badalkeeda waxaa sii xoogey-sanaya weerarrada tooska ah iyo Qarax-yada ay
geysanayaan dagaalyahannadooda.
Madaxweyne Farmaajo tan iyo
markii xilka loo doortay tiro tobon jeer ka badan waxaa uu tagay xarunta
Wasaarradda Gaashaandhigga oo uu ka dhigtay hoy uu ku shaqeeyo, isaga oo taa
ula jeeday in uu dardargalinayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee looga
saarayo deegaannadda ay dalka ka maamulaan.
14kii October sanadkii 2017dii
Qaraxii Zoobe kaddib madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu
u guurayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose si uu u dhiiri-galiyo
dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab, hasse ahaatee taa badalkeeda
madaxweynaha ayaa isla maalintii xigtay dalka dibedda uga dhoofay.
Dhiibistii Qalbi Dhagax
Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray
dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ahaa go’aankii
ay ku qaateen in dowladda Itoobiya ay ugu gacan galiyaan Cabdikariin Muuse
Qalbi-Dhagax oo ay ku eedeysay dowladda in uu ka tirsan yahay Ururka ONLF ee
dagaalka kula jira dowladda Itoobiya.
Arrintaasi waxaa ay dhacday bishii Agoosto ee
2017-kii, waxana ka abuurmayy caro dadweyne iyo in dadka Soomaalida ah ay si
isku mid ah uga falceliyaan dal iyo dibadba. Waxay noqotay dowladii ugu
horreysay ee Soomaaliya matalaysa oo qof Soomaali ah u dhiibta ajnebi.
Ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee
NISA, ayaa kala Waregay kuwa maamulka Galmudug, oo markii hore qabtay Qalbi
Dhagax, ayagoo markii dambe u sii duuliyey magaalada Muqdisho, halkaas oo looga
sii qaaday Itoobiya, xabsi-gurina lagu geliyay Addis Ababa.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 18-kii
November 2017-kii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku
tilmaamay go'aankii xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay
Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).
Khilaafkii ugu weyn oo soo kala dhax-galay dowladda iyo dowlad
gobolleedyada :
Tan iyo markii xukuumadda haatan jirta ay talada
dalka la wareegtay, waxaa jiray kulamo badan oo wada shaqayn ah oo ay yeesheen
dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah oo looga hadlay arrimo ay kamid
yihiin ammaanka iyo qaybsiga khayraadka.
Hase ahaatee dhanka kale waxaa jiray khilaaf
muuqda oo soo kala dhex galay dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah,
kaas oo markii dambe horseeday in maamul goboleedyadu ay sheegaan in ay
xiriirka wada shaqaynta u jareen dawladda dhexe.
Khilaafka labada dhinac oo sii xoogaystay ayaa
keenay in dawladda Soomaaliya faragalin toos ah ku samayso doorashada maamullada
qaar, si ay madax uga dhigto masuuliyiin ayada taageersan, arrintaas oo ka
hirgashay maamullada qaar.
Tallaabadan ayaa dadka falanqeeya arrimaha
Soomaaliya waxa ay sheegaan in ay tahay mid dawladda Soomaaliya ay ku doonayso
in ay u madax banaanaato siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo dawladdu ay
sheegto in dastuur ahaan ayada uun ay go'aan ka gaari karto.
Waxaa ay dowladdan noqotay tii ugu horreysay ee
guulo siyaasadeed oo la taaban karro ka soo hoysay loollankii ay kula jirtay
maammul goboleedyada, dadka wax falanqeeya qaar waxayba qabaan in markii ugu
horreysay tan iyo burburkii lagu kala adkaaday siyaasadda Soomaaliya.
Dowladda
iyo Mucaaradka :
Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa siweyn loogu dhaliilaa in aysan dulqaad badan u
laheyn eedeymaha uga yimaada siyaasiyiinta mucaaradka oo markii ugu horeysay
madaxweynuhu u bixiyay magac-yo kala duwan sida ‘’Siyaasiyiinta Xanaaqsan’’
waxaa sidoo kale jiray weerarro toos ah oo dhaxmaray dowladda iyo mucaaradka oo
ay dad ku dhinteen.
December 2017 Ciidamo ka tirsan NISA ayaa xilli
habeen ah weeraray guriga uu Muqdisho ka deganaa Siyaasiga mucaaradka ee
hoggaamiya Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur, weerarkaas lagu soo xiray Mr
Warsame waxaa lagu dilay 5 ka mid ah Ilaaladiisa, waxaa uu ahaa weerarkii u
horeeyay ee dowladda u adeegsato siyaasi rayid ah, waxaana ka mid noqotay
dhacdooyinka waa weynaa ee sanadkii 2017 ka dhacay Soomaaliya, taasoo loo
arkayay in dowladda ku xad-gudubtay dimoqraadiyadda iyo xoriyatowl qowlka
siyaasi ka ra’yi duwan inay weerarto.
Dhameystirka
Dastuurka :
Dad badan ayaa u arka sida ay u socdaan howlaha
lagu soo dhameystirayo Dastuurka ‘ Mashruuc aan Dhamaad laheyn’’iyadoo dhinaca kale Wasaarradda
Dastuurka muddadaa labada sano ah wadday kulamo kala duwan iyo wadatashi iyo
dadweyne ayeey haddana u muuqata in wali howluhu fari ka qodneyn.
Musuq-maasuqa
:
Inkastoo dowladdu marar badan ku celcelisay in ay
siweyn ula dagaalameyso musuq maasuqa, haddana wali waxaa la leeyahay dalka
Soomaaliya waa kan ugu hooseeya marka la eego qiimeyta dalalka Musuqu
daashaday, waxaana ay dowladda arrimahan dartood u soo xirxirtay shaqsiyaad
kala duwan oo xitaa ay ku jiraan Wasiirro.
Hormar ma
jiraan maxeyse dowladda uga duwan tahay kuwii ka horeeyay :
Dabcan waxaa jira Astaamo iyo yidiillo ay
dowladdani muujisay lana oran karo waa guul iyo muuqaal ka duwan hab dhaqan
siyaasadeedkii dowladdihii iyada ka horeeyay
Tusalle :
Tan iyo markii 23-kii Feberaayo 2017 uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed
Cabdullahi Farmaajo Raysul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre ma jirin
khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay labadaas mas'uul ee ugu sarreeya dalka.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa si dhow u wada shaqeeya ayagoo
fagaareyaasha ka sheega sida ay uga go'an tahay xoojinta wada shaqayntooda.
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhiiratay in ay u soo xirtay
arrimo la xariira musuq maasuq mas’uuliyiin sar sare oo xitaa ay ku jireen
xubno ka tirsan gollaha Wasiirradda.
Dowladda ayaa ku guuleysatay in ay soo afjrato
ama ugu yaraan xakameyso xiriirkii caalamka ee madaxweynayaasha dowlad
gobolleedyada iyo safarraddii ay inta badan ku tagi jireen dalalka dariska ah
ama xitaa kuwa carabta, taasoo dad badanni u arkayeen mid dhaawac ku ah
jiritaan hal dowlad oo dalka ka wada arrimisa.
Dowladda ayaa markii ugu horeysay si
barreer ah uga hadashay go’aankeeda marka uu jiro khilaaf soo kala dhax-gala
dowladdha saaxiibka la ah Soomaaliya, tuusalle ahaan go’aankii ay ka qaadatay
Khilaafkii Khaliijka oo aan horay looga baran dowladdihii ka horeeyay.
Soo celintii hawadda Soomaaliya oo tan iyo bur burkii dowladda dhexe laga maamulayay dalka Kenya, iyo soo celinta maxaabiistii ugu badneyd dhalinyarro Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xirneyd dalka dibeddiisa.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay taageerro rasmi ah
ka heshay dowladda Itoobiya tan iyo markii ra’iisal wasaaraha loo doortay Abiy
Ahmed oo safar ku yimid magaalada Muqdisho, taa oo ka dhalatay heshiiskii
saddex geesoodka ahaa ee dalalka, Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.
Eryaddii Heysom :
Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka eriday 2-dii
Janaayo 219 ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya
Nicholas Haysom, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayo madax
banaanida Soomaaliya.
Go'aankan ayay dad badan ku tilmaameen mid
dhiirran, marka la eego dowrka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, oo xilligii
dowladihii hore, qeyb weyn ka ahaa go'aannada siyaasadeed iyo amni ee
Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa ahayd mid ugub ah ayadoo
xukuumadihii tan haatan jirta ka horreeyey aanay ku dhiirran tallaabo caynkaan
ah iyo in diblumaasi heer kaas jooga dalka laga eryo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]