4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2019
Madaxweyne Farmaajo ‘’ Siyaabo qaldan oo siyaasadeysan ayaa loo bixiyaa darrajooyinka ciidamada

 

Jimco, Feberaayo, 08, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay dariiqa loo maro darrajo bixinta ciidamada iyo dalacsiinta saraakiisha, ayaa sheegay in marmarka qaar si qalad ah arintaan ku dhacdo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bixinta darrajooyinka la siyaasadeeyo iyada oo laga faa’ideysanayo ayuu yiri culeysyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

“Waxaad dhacda in qof uu ku helo garaado qaab siyaasadeed, nin shalay ahaa xidigle oo Xildhibaan fir-fircoon leh, Xildhibaankii firfircoonaa damcay inuu ka faa’ideysto xaalada siyaasadeed iyo khilaafaadka jirta”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Laakiin waxa uu sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay arintaa meel iska saartay kuna wargalisay sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada intaba in aysan u keeni karin Askar ay doonayaan in la dalacsiiyo.

Wuxuu sheegay in mar marka qaar saraakiisha iyo taliyayaasha ciidamadu arkaan in Askari shalay ay xukumayeen laga sareysiiyo iyada oo loo marayo arrimo siyaasadeed, taasoo xitaa keeni karto in aan la kala amar qaadan.

Balse dhinaca kale marka la eego madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay darrajada Sareeye Guutto u dalacsiiyay Zakiya Xusseen Odawaa oo ah taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Odawaa Yuusuf Raage oo hadda ah abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana markii ay soo baxday dalacsiintaa iyo magacaabista xilalkaa calculus uu madaxweynuhu kala kulmay dhaleeceen xoog leh, madaama darrajada uu madaxweyuhu bixiyay iyo da’da labadan sarkaal aad u kala weyn yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]