Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay la kulmay garsoorayaasha dalka
Jimco, Feberaayo, 08, 2019 (HOL)- Ra’iisul
Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu
sameeyay madaxda garsoorka dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka,
yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad wanaagga, hir-gelinta siyaasad lagu
wada qanacsanyahay iyo aaminaadda dunida ay ku xiranyihiin hir-gelinta Garsoor
iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.
Casho Sharafta oo ay kasoo qayb galeen
guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha qaranka, garsoorka gobalka
Banaadir iyo dawlad gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta
dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda
garsoorka dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri
geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta
hannaanka gasoorka dalka.
Himilooyinka tubta cadaaladda iyo amniga ayaa
waxaa ku jira halbeegyo muhiim u ah horumarinta cadaaladda iyo garsoorka dalka
si loo helo caddaalad loo simanyahay.
Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya
ayaa shalay soo xiray shir sannadeedkii ugu horreeyay ee burbrkii dalka kadib
looga arrinsado garsoorka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]