4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2019
Dadkii rabshadihii Diridhabe wax-yeeladu ka soo gaadhay oo dawladda cabasho u gudbiyey

 

Khamiis, Feberaayo, 07, 2019 (HOL)-Shacabka ku dhaqan xaafadihii rabshaduhu dhawaan ka dhaceen Diridhabe ayaa dawladda ka codsaday in sharciga loo horkeeno dadkii hantidooda boobay ee guryahoodiina burburiyay.

Meelaha aad loo burburiyey ayaa waxaa kamid ahayd xaafadda 9aad oo xero ay baabuurtu ka baxayeen burbur badan loogaystay gawaadhidii iyo xafiisyadii ku dhexyaalay, sidoo kale hantidii dhextaalayna la gurtay.

Dadkii lahaa hantida iyo guryihii la burburiyay oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay dawladda ka codsaday in dadkii sidan hantidooda u dhacay sharciga loo horkeeno.

Dawladda  ayaa xabsiga u taxaabtay dad badan oo ku lug lahaa rabshadihii dhawaan  ka dhacay magaalada Diridhabe kuwaas oo u badnaa xubno katirsanaa  booliska magaalada Diridhabe.
 
Hiiraan News Disk