4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2019
Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo eedo usoo jeediyey xukuumadda madaxweyne Biixi

Khamiis,Febraayo 07,  2019 (HOL) – Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Barkhad Jaamac Batuun, ayaa eeddo usoo jeediyey madaxweyne Biixi iyo wasiirkiisa maaliyadda, waxaanu sheegay in lacagtaasi deynta ahi ee dadkii lahaa u baahan yihiin ay ku maqan tahay gacantoodda.

Afhayeenku waxa uu sheegay in sideetankaasi milyan ee doolar ay dadkii xaqa u lahaa macaluul qarka u saaran yihiin, halka kuwii u hayey isku tuurtuurayan halka ay ku maqan tahay lacagtaasi.

“Waxaad ka war haysaan in hay’ada ka hor taga masuubooyinku sheegtay in kala badh bulshada Somaliland qarka u saaran yihiin macaluul, hantidii dadkaasi lahaa waatan la isku tuurtuurayo ee la leeyahay sideetan milyan baa deyn ahaan loo cunay,dadkaasi dhibaataddu haysata ninka u dhaartay ee yidhi dadkaasi waxaan ku xukumaya cadaalad iyo sinaan iyo hantida dhexdooda taala inaan si xaqa ugu qaybiyo hamigiisa ugu weyn ee uu ka fikirayaa waa daar uu gallo ,waxaanu dhisaya guri ay ku kacayso toddobaadan milyan oo dollar”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga WADANI Barkhad Batuun oo dhaliilo usoo jeediyey xukuumadda taladda haysaa.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay deynta Sideetanka milyan ee xisbiga kulmiye isku wareejiyey, waxaanu yidhi “Maalin dhoweyd waxa baarlamaanka ka hadlay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo uu garab taagan yahay wasiirka Maaliyaddu Sacad Cali Shire. Waxaanu sheegay in kulmiyihii hore kulmyahan jooga ku wareejiyey deyn ah sideetan milyan oo dollar, wasiirku marka uu ag joogay kama hadal oo hadii uu qofku ka been abuuranayo marka aad garab taagan tahay baa la iska qabtaa, maalmo ka dib buu isla arrintii ka hadlay isagoo u tudhin sharaftiisa iyo la kulanka iillaahay ee aakhiro, kama uu xishoon dadkaasi dhibaataysan ee uu masuulka u yahay, anagu waxaan aamiinsanahay in lacagtaasi labada kulmiye ku dhex maqan tahay.”

Si kastaba ha ahaatee, hadalka haynta ugu weyn ee maalmahan waxa lacagtaasi deynta ah oo kulmiyihii hore lagu eedeeyey inuu kulmiyaha dambe ku wareejiyey, inkastoo wasiirka Maaliyaddu waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka deyntaasi.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.