4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2019
Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda koonfur Afrika iyo shirkii golaha wasiirada oo warbixin laga soo saaray

Khamiis, Febraayo  07,   2019  (HOL)- Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland  ayaa maanta warbixin lagaga dhegaystay Qaar Kamida Wasaaraddaha.

Shirkan golaha wasiirada waxa shirgudoominayey madaxweyne Muuse Biixi, waxaana ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Saylici, waxaana warbiximo lagaga dhegeystay wasaaradaha Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Iyo Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga oo qorshe hawleedkooda ku soo bandhigay golaha.

Ugu horrayn waxa golaha wasiirada warbixin siiyey wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka oo ku dheeraaday mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo kuwa qorshaysan, waxaanu wasiirku faah-faahiyey habsami u socodka hirgelinta qorshaha labaad ee horumarinta qaranka. isagoo golaha la wadaagay mashaariicda waaweyn ee laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), EU, GIZ iyo hay’adaha kale ee caalamiga ahi ka fuliyaan dalka.

Mashaariicdaas oo ahmiyad weyn siinaya siyaasadda xukuumadda ee ku salaysan wax-soo saarka, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo waddooyinka. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) ay ku soo biirayaan dalal kale oo danaynaya inay qayb ka noqdaan sanduuqaasi, kuwaas oo ku qancay habka daah-furnaanta leh ee Somaliland u maamushay sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.

Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga, ayaa golaha u sharraxay hawlaha shaqo iyo hiigsiga waxqabad ee wasaaradda, waxaanu tilmaamay in xoolaha iyo kalluumaysigu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka, isla markaana wasaaraddu ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa. Waxaanu dul istaagay inay diyaariyeen xeerarka kala ah:

1. Xeerka Qaranka ee Xannaanada Xoolaha.

2. Xeerka qaranka ee Karantiinada Xoolaha.

3. Xeerka Caanaha Iyo

4. Siyaasadda qaranka ee Xannaanada Xoolaha

Ugu danbayn garyaqaanka guud ee qaranka ayaa golaha wasiirada ka horjeediyey xeerka xafiiska garyaqaanka guud, waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada xeerkaas.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biiixi, ayaa maanta kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga tallada dalka koonfur Afrika ee ANC.

Madaxweynaha iyo weftiga ka socda xisbul-xaakimka haya talada dalka Koonfur Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dal iyo labada xisbul xaakim ee KULMIYE iyo ANC ee Dalalka Somaliland iyo Koonfur Afrika.

Madaxweyne biixi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga ka socda xisbiga ANC waxa uu ka guddoomay salaan ay ka sideen madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, madaxweynaha Somalilandna waxa uu u diray salaan taa la mid ah madaxweynaha Koonfur Afrika sida lagu sheegay war-saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay.

Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku dhamaaday is-afgarad buuxa iyo xidhiidh hor leh oo dhexmara labada dal.

 Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.