Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya
Khamiis, Feberaayo,07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay
ka furmay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyey
ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah
dhismaha garsoor hufan, madaxbannaan isla markaana lagu kalsoon yahay, welina
ay waddo dadaallada dib loogu habaynayo hannaanka garsoor ee dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in shaqada ugu
weyn ee hadda hortaalla Dowladda ay tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo
lagama maarmaan u ah helidda garsoorayaal leh khibrad iyo daacadnimo ay si
habsami leh ugu gutaan shaqadooda, waxa uuna sheegay in sanadkan gudihiisa
Golaha Shacabka la horgayn doono Sharciga Dhismaha Guddigaas.
“Caddaaladdu ma dhammeystirna inta Guddiga
Adeegga Garsoorka laga dhisayo. Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan hawlgalinno
oo aan Golaha Shacabka horgeyno, iyaguna ay noqdaan dad wanaagsan oo sharafta
dalkooda ilaaliya” ayuu yiri Madaweyne Farmaajo.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in
Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda
iyo kartida hay’adaha fulinta ee uu Booliisku ugu horreeyo, waxa uuna Ciidanka
Asluubta ku ammaanay dhaqan-celinta ay u sameeyaan maxaabiista muddada ay
xabsiga ku jiraan maaddaama lagu tababbaro aqoonta farsamada gacanta.
Madaxweynuhu waxa uu garsoorayaasha kula
dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan
garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya, wuxuuna
garsoorka u ballan qaaday in dowladdu ay xil iska saarayso baahiyahooda, lana
siin doono mushahar ku filan, isaga oo uga mahadceliyay duruufihii adkaa ee ay
hore ugu soo shaqeeyeen.
“Marka aad si caddaalad ah u shaqeysaan ma jirto
shaqo garsoorka ka fiican, annagana waxaan ku dadaaleynaa in aan baahiyihiinna
meel saarno oo aan idin siino mushaaraad idinku filan si dadka caddaaladda
idiin soo doonta aadan wax kale uga raadin, waana idiinka mahadcelinayaa
duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen.”
Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu
hay’adaha garsoorka iyo kuwa fulinta ee dalka ku boorriyay inay dardargeliyaan
xal-u-helidda dacwadaha iyo cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira hantida
maguurtada ah, waxa uuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare faray inuu soo magcaabo
Guddiga Xallinta Dacwadaha iyo Cabashooyinka Hantida Maguurtada ah oo dib u
eegis ku samaynaya dacwadaha la xiriira hantida maguurtada ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]