Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay hadal heynta shirka shidaalka Soomaaliya ee London
Khamiis, Feberaayo,07, 2019 (HOL)-Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay
xiritaanka shirkii arrimaha Garsoorka ee Muqdisho ku soo dhamaaday ayaa soo
hadal qaaday hadal heynta shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmaya
magaalada London.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirka
London yahay Bandhig Carweed dowladda
dhexe ee Soomaaliya ay ku soo bandhigeyso qorshaha Shidaalka Soomaaliya.
Waxaa uu intaa ku darray in illaa 50 xirmo blocks ah oo ah dhul ku
teedsan 173,000 KM oo ay soo sahmisay dowladdii hore lagu wareejiyay shirkad ku taala Ingiriiska,
iyadoo maantana la soo bandhigi doono xogtaas, si ay uga soo baaraan dagaan
shirkadaha ka qeybgalaya shirka magaalada London.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay
siyaasiyiinta mucaaradka in ay ka soo horjeedaan hormarka la sameynayo, isaga
oo intaa ku darray in loo baahan yahay in dalka laga soo saaro kheyraadka ku
jira.
Shirka magaalada London ee looga hadlayo
shidaalka Soomaaliya ayaa dhaliyay hadal heyn aad u badan, waxaana ay
siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradku ku eedeeyeen dowladda uu madaxweynaha ka
yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ay xaraasheyso shidaalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]