4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2019
Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiirradda Hirshabeelle

 

Khamiis, Feberaayo, 07, 2019 (HOL)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mar kale isku –shaandheyn ku sameeyay xubnaha golihiisa Wasiirradda, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay uu wajahayay madaxweynaha culus uga imanayay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Isku-shaadheyntan ayaa saameysay Wasirradda, Wasiirru-dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeennada oo intooda badan ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana muuqata in is badbadalkan lagu sameynayo Golaha Wasiirradda salka ku heyso qancinta xildhibaannada ku kacsan maamulka sare ee Hirshabeelle. 

Hoos ka Akhriso magacyada :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]