4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2019
Mas'uuliyiin ka qeybgashay shir looga hadlayay arrimaha caafimaadka dalka oo Muqdisho ka dhcaay


Khamiis, Feberaayo, 07, 2019 (HOL)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shirka sanadlaha ee arrimaha caafimaadka Soomaaliya oo sanad walba ay soo qaban qaabiso Jaamacada Jamhuuriya ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray cilmi baaris la xiriira arrimaha caafimaadka, iyadoo ay ka soo qeyb galeen cilmi baarayaal caafimaad oo ka kala yimid dalal kala duwn oo caalamka, dhakhaatiir caafimaad, xubno ka socday kuliyadaha caafimaad ee jaamacdaha dalka, qaar ka mida hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya, ardayda Jaamacadaha, xubno ka tirsan wasaarada caafimaadka dalka, wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashadda ee Soomaaliya iyo arday wax ka barata culuumta caafimaadka.

Eng. Maxamed Axmed Black oo ah Guddoomiyaha Jaamacdda Jamhuuriya ayaa sheegay in sanadkan shirka uu ka baallaaran yahay sanadkii hore , iyadoo lagu soo bandhigayo daraasado iyo cilmi baaris gaaraya illaa 24 oo dhamaantood lagu eegayo xaalada caafimaad ee dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

“Sanadkan waxaa ka soo qeyb galay cilmi baarayaal kala duwan oo ka kala yimid dadalal iyo xarumo cilmbdhis oo kala duwan oo caalmi ah Waxaana lagu soo badhigay ilaa 24 cilmi baadhis ah oo laga sameeyay arimha caafimaadka ee dalka.”

Prof. Cabdi Geelle oo ka tirsan machadka caafimaadka ee dalka Norway, isla markaana goobta ku soo baadhigay cilmi baaris khuseysa sida ugu macquulsan ee loo yarayn karo dhimashada hooyada iyo dhalaanka ayaa xusay in cilmi baarista ay sameeyeen lagu ogaaday in ka badan 800 oo hooyo ah ay geeriyooto xilliga dhalmada boqolkii kun ee hooyo ee ku umula dalka Somaaliya isla markaana la doonayo in la helo xal looga hortago arrintaas

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya Hon. C/raxmaan Maxamuud Cabdulle oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin weyn, iyadoo ay khubaradda dhanka caafimaadka ah ee Soomaalida ah ay maanta aqoontooda la wadaagayaan dadka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib wanaag in maanta ay tahay maalin aqoon iyo cilmi la is dhaafsanayo, waa maalin taariikhi u ah dalka Soomaaliya, waa maalin ay khubaradii somaaliyeed ku howlanyihiin sideen ugu hortagnaa khatarah dalka ka jira.”

In kasta oo ay jiraan dadaalo baaxad leh oo dib u soo kabasho marka la eego dhanka caafimaadka, hadana wali waxaa ay Somaaliya heer hoose kaga jirtaa dunida marka la eego khatarta caafimaad ee kadhalata xanuunada la dawayn karo ama kuwa laga hortagi karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]