4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2019
Shirka Shidaalka Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada London

 

Khamiis, Feberaayo, 07, 2019 (HOL)- Maanta oo Khamiis ah taariikhdu tahay 07 bisha Feberaayo 2019ka ayaa lagu wadaa in magaalada London uu ka furmo shirka looga hadlayo shidaalka Soomaaliya, oo maalmihii ugu danbeeyay hadal heyntiisu ku badneyd baraha bulshada iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

Magaalada London waxaa gaaray oo ku sugan kana qeybgalaya shirka maanta furmaya Wasiirka Batroolka dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, Agaasimaha Wasaarradda,  iyo mas’uuliyiin ka kala socda dowlad gobolleedyada dalka.

Shirkan oo muran badan uu ka dhashay ayeey siyaasiyiinta mucaaradku sheegeen in uu yahay mid lagu xaraashayo sida ay hadalka u dhigay kheyraadka Soomaaliya, hasse ahaatee waxaa arintaa beenisay dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid lagu soo bandhigayo macluumaadka sahmin shidaal oo Soomaaliya laga sameeyay.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono.

Dhanka kale shirkadda Spectrum oo ah shirkad qayb ka ah shirka London ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya.

Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaarada Betroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km .

Laakiin dhinaca kale marka la eego dhaliisha ay soo jeedinayaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa u muuqata mid shaki weyn abuurtay, waxaana soo baxaya aragtiyo kala duwan oo qeybaha bulshadu ka qabaan shirkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]