4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Ninkii dilay maareyaha dekedda Boosaaso ee Paul Anthony oo caawa geeriyooday

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)- Nin dhallinyaro ah oo subaxnimadii hore ee Isniinta maanta toogasho ku dilay maareyaha dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa ayaa caawa geeryooday.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’ahaana lagu qiyaasay 20 jir ayaa la dhigay qaybta xaaladda deg dega ah ee isbitaalka Boosaaso, iyadoo qaliin lagaga sameeyay 5 xabadood oo ku dhacay.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu wareystay ninkaan dhallinyarada ah oo ciidanka amniga ay dhaawaceen markii uu weerar fuliyay, waxaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Baydhabo ,isagoo labo maalin ka hor sheegay inuu tagay magaalada Boosaaso,hase yeeshee xaaladiisa oo aad cuslayd kama uusan jawaabin su’aalihii la waydiinayay.

Ninkan oo ku hubaysnaa bastoolad ayaa saaka wuxuu toogasho ku dilay maamulihii shirkadda P&O Ports u qaabilsanaa dekedda Boosaaso, isagoo dhaawacay mid ka mid ah saraakiisha ajnebiga ee ka shaqaynaysay dekedda Boosaaso oo u dhashay dalka Hindiya  iyo labo askari oo ilaalo u ahaa Paol Farmosa.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka mas'uul ka yihiin oo ruuxa geystay uu ka mid ahaa dagaalyahannadooda toogashada loo tabbabaray.

Hay'adaha ammaanka Puntland  ma aysan bixin wali faahfaahin ku saabsan ninka weerarka fuliyay ee caawa geeryooday.

Maareyaha weerarka lagu dilay ee Paul Anthony Farmosa waa 53 jir ah, ku dhashay sannadkii 1996-dii jasiirada Malta oo ah dalka uu u dhashay,halkaas oo u ku soo bartay maareynta dekedaha. Bishii Agoost ee sannadkii 2017-ka ayuu ka shaqo billaabay magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, halkaasi oo uu uga shaqeynayay shirkadda maamusho dekedda Boasaaso ee P&O Ports , kana ahaa maareyaha dekedda.

Shirkadda P&O Ports  oo ay leedahay shirkadda fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa heshiis soddon sanno ah kula jirta Puntland, waxa  heshiiska qayb ka ah shirkadda inay ballaariso dekedda dayactir iyo casriyeenna ku sameyso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]