4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Mareykanka oo ka digay weerarro kale oo ka dhici kara dalka Kenya

 

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda u safrida dalka Kenya oo Mareykanku sheegay in mar kale ay ka dhici karaan weerarro ay soo qaadaan kooxaha argagixisada.

Safaaradda ayaa sheegtay in weerarradan laga cabsi qabo ka dhici karaan goobaha Suuqyada,Kaniisadaha iyo Meelaha kale ee la isugu imaado, kuwaasoo ku yaala Nairobi, Naivasha, Nanyuki iyo Gobollada Xeebta ah.

Dadka muwaadiniinta ah ee u dhashay dalka Mareykanka ayeey safaaraddu ugu baaqday in ay taxadiraan, islamarkaana dadka u soo safraya dalka Kenya iska diiwaan-galiyaan safaaradda ama adeegsadaan baraha Internetka si loo helo macluumaadkooda oo dhameystiran.

Kenya oo u muuqatay in ay cashirro ka baratay weerarkii hore iyo digniintii soo gaartay, ayaa durba bilowday howlgal lagu baadi goobayo ragga weerarkan cusub maleegayo, iyagoo ciidamo dheerad ahna geeyay meelaha farta lagu fiiqay.

Digniintan ayaa imaneysa xili bishii tagtay ee Janaayo Al-shabaab weerar ku qaadeen DusitD2 Hotel ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.

Kenya ayaa bilihii ugu danbeeyayba siweyn ula daalaa dhaceysay ka hortaga weerarrada uga imanaya Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada dowladda shisheeya ka joogaa dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]