4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Laascaanood oo markii ugu horaysey laga bilaabayo mashruuca horumarinta degmooyinka

 

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)- Kulan lagu qorshaynayo qaabka horumarineed ee degmada Laascaanood ayaa lagu qabtay xarunta dawlada hoose ee Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Agaasimaha horumarinta gobolada iyo degmooyinka wasaaradda arimaha Gudaha Maxamed Cali ayaa hawl-wadeenada dawlada Hoose ugu bishaareeyey in mashruuca horumarinta degmooyinka iyo gobolada u yihiin horbaxanyo oo ay qiimaynayaan baahiyuhu sida ay u kala horeeyaan.

"Mashruucii la odhan jirey JPLG oo ka shaqayn jirey lix degmo ayaa haatan loo bedeley horumarinta degmooyinka iyo gobolada kaas oo ay dawladu haatan maamusho ayaa magaalada Laascaanood ka mid tahay, waana sababta aan halkii ugu horaysey ka dhiganay" sidaana waxaa yidhi Maxamed Cali isagoo intaas ku daray in ay la socdaan Machadka tabarka shaqaalaha oo iyana qiimaynaya aqoonta shaqaalaha.

Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis Xuseen ayaa ka warbixiyey faa'iidada mashruucan u leeyahay degmada, waxaanu sheegay in qaadhaankii Machadka kaga soo aadey ay bixiyeen baahina ay u qabaan kobcinta aqoonta shaqaalaha, waxaana uu degmooyinka kale ugu baaqay in ay qaadhaanka bixiyaan.

Cabdiraxmaan Khadar Maxamuud xoghayaha dawlada hoose ayaa isaguna halkaasi ku soo bandhigay baahiya dhabta ah ee ka jira magaalada Laascaanood iyo qalabka ay haystaan.

Mashruucan oo in badan la sugayey ayaa la saadaalinayaa in uu wax weyn ka bedelo muuqaalka iyo horumarka degmada Laascaanood, waxaana uu ku soo beegmay xili ay xubno golaha degaanaka ka.mid ah ay u xusul duubayaan sidii xilka looga tuuri lahaa maayirka hogaanka u ah oo waxqabad la'aan ay calaamad uga dhigeen.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool