Somaliland:Dhakhaatiir Ajanabi ah oo hawlgalo caafimaad ka fulinaya dhulka fog ee Miyiga ah
Isniin, Febraayo 04, 2019 (HOL)- Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa xaflad daahfur ah u sameeyey dhakhaatiir ajanabi ah oo hawlgal caafimaad ka bilaabi doonna miyiga fog ee Somaliland, kuwaas oo sita qalabkii lagu fulin lahaa qaliinadda oo gaadiid waaweyn ku rikiban.
Hay’addan mashruucan qaliinka ka
fulinaya dhulka miyiga ah ayaa la yidhaahda Mission to Heal,
waxaanay gargaar caafimaad ka soo sameeyey dalal badan oo Afrika ka mid ah,
waxaanay markii ugu horeysay ka samaynayaan qaliimo goobaha miyiga ah ee aanay
ka jirin cisbitaalo.
“waxay noqotay Somaliland meeshii
ugu horeysay ee diyaar u noqota ee soo dhoweysa oo min lawyo cado ila Hargeysa
soo soo dhoweeyey”ayey tidhi Dr;Edna
Aadan oo ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda
Caafimaadka Naasir Cumar Jaamac oo isna mashruucan ka hadlayey waxa uu
yidhi “ waxaanu cisbitaalka weyn ee
Hargeysa ku daah fureyna hawlgal caafimaad oo aad u balaadhan oo ay waddo
hay’adda Mission to Heal oo dadka buga loogu gargaarayo, waxaana inala jooga
aasaasihii hay’adaasi, waxaanay hay’adani doonaysaa in in dadka xanuunsanaya ee gaadhi kari waayey
goobihii caafimaadka inay adeegii caafimaad oo soconaya ay gurigiisa ugu
geeyaan bukaanka”.
Sidoo kale, waxa shacabka iyo
xukuumaddii soo dhoweeyey hawlgalkan caafimaad ee dadka ugu gargaarayaa masuul
u hadlay hay’ada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin joogi taanka iyo inay
shaqo ka bilaabaan Somaliland.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.