4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Isniin, Feberaayo, 04,2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijinayo ilaa 10-qof ayaa ku dhimatayn qaraxa halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxaana wararku sheegayaan in dadka qaar ay dhismayaal ku soo dumeen.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano kawada goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana wali la ogeyn bartilmaameedka rasmiga ha ee qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay meel ku dhagan Muqdisho Mall sidoo kale ku dhaw xarunta dowlada hoose ee Xamar.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xili isbuucii hore qarax isna gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay goob kaalin shidaal ah oo kutaala agagaarka Daljirka Dhasoon, waxaana qaraxasi ku dhintay shacab iyo ciidamo katirsan booliiska.

Gaar ahaan qaraxan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Dhismaha Muqdisho Mall oo ku dhax-yaala Suuqa Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]