4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Qarax ka dhacay Muqdisho

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)-   Wararka ka imaanaya degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu halka ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Gaariga qarxay ayaa la dhigay hareeraha waddada hormarta dhismaha ganacsiga ah ee Mogadishu Mall oo ku dhow xarunta dowladda Hoose ee Xamar,iyadoo bartilmaameedka weerarka ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Muuqaal la soo galiyay baraha bulshada oo meel durugsan laga duubay ayaa muujinaya qiic iyo uuro wayn oo cirka isku shareertay,waxaana qarxa uu ahaa mid xooggiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka, sidoo kale ma jirto warbixin ka soo baxday hay'adaha ammaanka oo looga hadlay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]