4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Al Shabaab oo sheegatay weerar lagu beegsaday sarkaalka ajanabiga ah ee maamulla dekedda Boosaaso

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)-  Weerar ka dhacay dekedda Boosaaso ayaa lagu soo warramaya in lugu dhaawacay madaxa u qaabilsan dekedda Boosaaso shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarka,iyadoo sarkaal la hadlay HOL uu sheegay weerarka inuu fuliyay in ku hubaysan bastoolad oo isku soo ekeysiiyay kalluumaysato.

Paul Anthony , oo u dhashay dalka Malta ayaa shirkadda gacanta ku heysa dekedda Boosaaso ee P&O Ports , waxaa ay u magacowday madaxa dekedda Boosaaso 12 bishii Oktoobar ee sannadkii 2017 .

"Kaliya inuu dhaawacmay ayaan ku xaqiijin kara". ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka badda Puntland oo magaciisa qariyay.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarka, afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen dekedda Boosaaso lagu dilay Paul Anthony .

Weerarka waxaa kalo ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidanka ilaalada sarkaalka, ma jirto warbixin ka soo baxday shirkadda P&O Ports  ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carab iyo hay'adaha amniga Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]